Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Borana ee dhaca xuduuda Oromia iyo Kenya ayaa sheegaya in ay halkaas isku fara saareen ciidamada Jabhada OLF iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya, Sida warkan lagu sheegay dagaalkan ayaa kadhacay dagmada Mooyaale gaar ahaan xaafada lagu magacaabo Malabi waxaana labada ciidan halkaas ku dhex maray dagaal khadhaadh oo khasaare badan loogu gaystay ciidanka Wayaanaha.

Sida aan xogtan kuhelay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa qaar kamid ah dhaawacoodii gaadh siiyay xarun caafimaad oo ciidamada wayaanuhu kuleeyihiin Magaalada Addis Ababa si loogu dabiibo waxaana Addis Ababa gaadhay tiro dhaawacyo ah.

Dhinaca kale goob joogayaal kusugan magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in ay arkayeen birmad balaadhan oo ay qaybta 44aad ee ciidanka gumaysigu samaynayen si ay u caawiyaan ciidanka gumaysiga ee lagu helay xaafada Malabi ee udhaw xuduuda Kenya.

Dhinaca kale Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa heshay qaar kamid ah askarta dhaawaca lagu geeyay magaalada Addis Ababa waxaana kamid ah Bonaya Halake, Wolday Army iyo Yohannes Abate iyo qaar kale.

Dhinaca kale ciidanka gumaysiga ee lagu laayay Dagmada Mooyaale ayaa dhibaatooyin kala duwan ugaystay dadka shacabka ah ee deegaanka waana mid kamid ah dhaqamada gumaysiga oo khasaaraha soo gaadha kajara shacabka aan hubaysnayn, qaar kamid ah shacabka ay ciidanka gumaysigu dhaawacyada gaadhsiiyaan ayaa magac yadooda lagu sheegay Gobu Guyo iyo Barchi Duba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay