Xalay oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2016 waxaa xafiiska jaaliyada koonfur africa ee PE ka dhacay shir heer sare ah oo aad loo soo agaasimay waxaana kasoo qayb galay gudiga dhexe ee konfurta africa PE shirkan ayaa wuxuu ahaa mid ahaa dar daraankii iyo gunaanadkii kadib markay kasoo laabteen kal fadhigii gudiga dhexe ee koonfurta africa

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha iyo kaadirka ee faraca PE, shirkan ayaa wuxuu kusoo hagaagay xili ay dhamaan xubnaha xamaasadaysan yihiin ayna ka xunyihiin dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ogadenya.

Intaas kadib gudigii ayaa warbixin ka bixiyay shirkii gudiga dhexe ee 4 maalmood socday qodobadii kasoo baxay shirka iyo wax yaalihii kasoo baxay shirka waxaa sidoo kale u riyaaqay kaadirkii kasoo qayb galay sida hufan ee ay ugu soo gudbiyeen war bixinta.

Guntii iyo gunaanadkii shirkan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi dagan iyo is afgarad waxaana hoosta laga xariiqay in la hir galiyo qodobadii kasoo baxay dhamaan ba shirkii Gudiga Fulinta ee JOKA u qabsoomay.

 

ONA/k.Africa PE

IMG-20160729-WA0032                  IMG-20160729-WA0034  IMG-20160729-WA0033

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay