April 23, 2011(OGA) Hotel caalami ah oo ku yaala galbeedka magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay Rwaayadii Hagar daamo Gumaysi Halgamaa wax-mayeesho Waxaa daawashada riwaayadan isugu yimid guud ahaan jaaliyadda S/Ogadenia  ee Toronto iyo nawaaxigeeda gaar ahaana qaar ka mid ah dadka Somaaliyeed ee qurba jooga ah.Riwaayadan oo badh-tamihii bishii  hore ee March ee sanadkan laga dhigay magaalda Toronto ayaa dib loogu soo celiyay codsi ka yimid Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto.Daawashada riwaayaddan ka turjumaysa halganka hubaysan ee gobanimo doonka ah ee S/Ogadenia waxay ku soo beegantan xili gumaysigu ka wada qurbaha xod-xodasho u jeedadiisu tahay wiiqidda iyo daminta kacdoonka gobanimo doon ee S/Ogadenia .Waxay dadkii daawaday riwaayadan ku tilmaameen mid xambaarsan fariin culus oo ku wajahan tabaha gumaysiga Ethiopia kula dhaqmo dhaq-dhaqaayada dulinimo diidka ah ee shucuubta geeska Africa iyo waliba tan S/Ogadenia.

Hagar-daano Gumaysi Halgamaa Wax-mayeesho waxaa soo bandhigay uruka dhalinyarada iyo ardayda S/Ogadenia ee dalka Ingriiska.Silsiladda riwaayadu waxay ku socotay suugaan aad u saraysa oo horay loo arag tan iyo burburkii dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya.Fanaanada caanka ah Saado Cali Warsame oo heeso dhawr ah ku lahayd riwaayada ayaa jaaliydda SSC ee magaalada Toronto iyo jaaliyadda Soomaalida ee xaafadda bariga magaalada Toronto ku bixiyeen madasha riwaayadu ka socotay laba abaal marinood oo ah shaqo wanaag iyo wadaninimado ay uugu talagaleen fanaanadda qaranka Saado Cali Warsame  waxaana lagu sharfay bixinta abaalmarinta Dr.Axmed Cumar oo ka mid ah wax garadka iyo aqoonyahanada S/Ogadenia ee reer Toronto waxaana fanaanada qaranka Saado Cali Warsame magaceeda ku gudoontay Marwo Xayaad Cabdullahi Geel-qaad oo reer Toronto ah.

Hadal haynta riwaayaddan ee magaalada Toronto ayaa ah mid ka dhalatay haybadda dhinac walba leh ee dhalinta riwaayadda dhigtay iyo waliba suugaanta culus ee ay u adeegsadeen soo gudbinta riwaayaddan walina waxaa aad looga hadal hayaa goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Toronto.

ONA/Toronto

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay