Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in uu magaalada qalalaase cusub kajiro kadib markay ciidanka Tigreegu isku dayeen in ay qaar maxaabiista katirsan labaxaan, sida aan xogta kuhelay koox Tigree ah oo ka amarqaadata hogaanka TPLF ayaa isku dayay in ay labaxaan Kornel Zawdu Mokonin oo kamid ahaa saraakiisha fikir ahaan kasoo hor jeeda kooxda TPLF.

Kornel Zawdu Mokonin ayay ciidamadu wayaanuhu kusoo qabteen howl gal ay horaan sameeyeen iyagoo kusoo xidhay xabsi kuyaalada magaalada Gonder waxaana lasheegayaa in ay ciidanka wayaanuhu damceen in ay Kornel ka udhaadhiciyaan xabsiga dhexe ee lagu magacaabo Makalawi si ay ugu ciqaabaan.

Hadaba shacabka magaalada oo kawar helay in lala baxayo Kornel Zawdu ayaa isku gadaamay xabsigii uu kujiray Zawdu si ay ubadbaadiyaan noloshiisa ugana reebaan kooxda Tigreega ah oo bartilmaameed kadhigatay saraakiil uu Kornelku kujiro, sida xogtan aan kuhelay ciidamada gumaysiga ee halkaas kusugan ayaan damcay in ay xoog kula baxaan sargaalkan xidhnaa balse waxaa sutida udaruuray dhalin yaro cadhaysan oo iyaguna doonaya in ay labaxaan sargaalkan si ay ubadbaadiyaan.

Goob jooge kusugan magaalada Gonder ayaa kusoo waramaya in ay xaaladu cikirantay waxa lafishana uuyahay dagaal aan waxba laysula reebanin oo dhex mara kooxdan uu soodiray hogaanka TPLF iyo shacabka ree Gonder oo iyagu go’aan saday in ay difaacaan sharafta muwaadinin tooda.

Sida intiinii akhrisay ay lasocotay Kornel Zawdu Mokonin ayaa xiliga laqabanayay waxaa dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidanka wayaanaha iyo shacabka ree Gonder waxaana goobtaas kubakhtiday in kabadan 20 ciidanka wayaanaha halka shacabka uu soogaadhay dhimasho iyo dhaawac badan.

Sikastaba ha ahaatee xaalada ayaan hada ahayn mid laqiimayn karo waxayna umuuqataa in uu dhici doono dagaal lagu hoobtay oo kadaran kiihoray u dhex maray shacabka iyo ciidanka Wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay