Hay’adda (QM) u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa ka digtey xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya. Warbixin ay soo saartey hay’adda (OCHA) maalintii Jimacada ahayd ayaa lagu sheegay in roobabkii xiliga Gu’ga ee sanadkan la helay 30-50% dalka Soomaaliya.

Roob yaraanta, fatahaado ka dhacay Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxyeelo u geystey wax soosaarka beeraha ayaa lagu yiri warbixinta OCHA. Xilli roobaadka Dayrta ayaa lasugayaa inta u dhaxaysa bilaha Oktoober-Diseember, taasoo dalku inta badan si fiican u helin.

Hay’adda OCHA ayaa sheegtey fatahaada ka dhacay Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe in ay saameyn ku yeesheen qoysas kor u dhaafaya 70,000 kun qoys, kuwaas oo qaba baahi deg-deg ah. Dhanka Waqooyiga dalka ee Somaliland iyo Puntland ayaa warbixinta lagu sheegay in dad kor u dhaafaya 385 000 oo qof ay khatar ugu jiraan cunno yari, isla markaana aan si wanaagsan loo helin roobkii Gu’ga abaar ba’ana ay ka jirto meelaha qaarkood.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay