War bixin ay ciwaan uga dhigtay hogaamiyayaashu ma daneynayaan wanaaga dadka (Leaders not concerned about the wellbeing of the people) ayaa lagu daabacay wargeyska Xukuumada Tigray ee Walta Information Center aroornimadii Jimcada.

“They are working with the Eritrean government in order for ONLF to secede Ogaden; OLF to secede Oromia; Urduf to secede Afar; the Sidama movement to …

Waxa ay dowlada Itoobiya ku eedeysay 6 Urur oo kala ah Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ONLF, Jabhadda Xoreynta Oromada OLF, Jabhadda Xoreynta Canfarta ARDUF, Jabhadda Xoreynta Benishangul BPLM , Jabhadda Xoreynta Gambella GPLM, iyo Jabhadda Xoreynta Sidama SLF in ay kala shaqeynayaan Eritrea burburinta dalka si ay u gaadhaan gooni u istaaga ay rabaan.

“Dictators are obsessed with their egos. They are not concerned about other people, about peace or togetherness. They are willing to drag whole people and regions into chaos.”

Waxa ay sidoo kale, dowlada Itoobiya ku eedaysay Jabhadda Axmaarada in ruuxdii Kaligii Talisnimo ee hore ay ku sii jiraan, is la markaasna ayna dan ka laheyn dadka kale, nabada iyo wada jooga. Rabaana in ay dadka ku soo riixaan burbur hor leh oo uu dalku galo.

Hadalka xukuumada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii uu taliyihii hore ee ciidanka Itoobiya Lt. General Tsadkan Gebre Tensay uu kula taliyay in wax laga badalo waddadii horay loogu socday ama la fisho burbur iyo kala dhaqaaq.

Dhanka kale, waxa maalmihii ugu danbeeyay ka socday Bariga, badhtamaha iyo Galbeedka dalka mudaharaadyo lagu diidan yahay dhulboobka Tigray-ga.

Si kasta ba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee ay erayga hogaamiyayaal u isticmaasho ururada Mucaaradka ku ah xukuumada dalku.

Xigasho: Waraq News

waraqnews23@gmail.com

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay