shalay oo ay Taariikhdu ahayd  30/07/2016 waxaa kulmay xubnaha jaaliyada Norway faraca oslo iyo nawaaxigeeda. Shirka ayaa ugu horeyn lagu furay  aayadaha quraanka kariimka & Wacdi Diini ah oo uu soo jeediyay Halgame cCabdi Naasir Muxumed wuxuuna aad ugu dheeraaday balanta,daacadnimada & wadajirka ahmiyada ay uleeyahay kamiro dhalinta hawlaha Halganka ee  jaaliyada hor yaala.
norway 13
intaas waxaa ka Gudoomiyaha Jaaliyada ogadenia ee wadanka Norway Mudane Khaliif Cabdi Cali  ka warbixiyay Gudoomiye khaliif wax qabadkii jaaliyda sidoo kale wuxuu kubaraarujiyay in maanta bulshada dulman ee ogaadeenya looga baahan yahay
A) dadaal dheeri ah
B)samir badan
C) wadatashi dheeri ah oo dhinac walba ah.
Gudoomiyah ayaa wuxuu dhamaan xubnaha kula dar daar may inay sii xoojiyaan halganka sidoo kale kaga dhabeeyaan balanta ay shacabka ogadenia u qaadeen
Waxaa kale oo Shirka ka hadkay xoghayaha jaaliyada Axmed Cumar & HG Cabdishakuur X.cali oo kahadlay hawlaha shaqo ee jaaliyada horyaalay wakhtiyada dhow ee fooda kusoo haya. Waxaa kale oo khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taaban haysay ka  jeediyay HG.xildhibaan M.Yuusuf Isagoo xubnaha ka codsadey In faataxada umaraan shuhadadii U dambeysay ee soomaalida ogaadeenya.
Xildh.oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri tigreega  maanta waxaa gacanta ugu jira oo kaliya ogaadeenya iyo tigree, sidaa darteed waa In fursadan Aan la dayicin oo dadaalka iyo xoreynta dadka iyo dalka la labajibaaro.
Shirka ayaa kusoo Dhamaaday jawi  wanaagsan waxaana lagu balamay in kor loo qaado dadaalka iyo Halganka lagula jiro Gumaysiga.
 image-0-02-01-b640794dbb04601a9572d43fd6a3f475fbbb560159f28ab0015bf1aa05470205-V
Warfaafinta jaaliyada Norway .
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay