Koox budhcad ah (Hackers) ah ayaa u dhacay oo heley barnaamijka qiimeynta macluumaadka ee ol-olaha Doorashada Musharax Hillary Clinton isticmaalayeen, sidaas waxaa maalintii shalay sheegay mid kamid ah madaxda ol-olaha Hillary.

Weerar koox Hackers ah ay qaadeen ayey horey ugu heleen 19,000 kun oo E-mail oo laga xadey Xisbiga Dimoqraadiga Maraykanka, kuwaasoo loo gudbiyey Wikileaks, waxaana kamid ahaa E-mailada laheley kuwo wax looga sheegayey ninkii kasoo horjeeday Hillary Clinoton ee Senator Bernie Sanders iyo sida Xisbiga Dimuqraadigu uu sicad ula safnaa Hillary Clinton, taas oo sababtey in Guddoomiyihii Xisbigu ay is casisho.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa weerarka labaadna uga shakisan koox ka dhisan dalka Ruushka oo jabsada Kunbuyuutarada. Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in Ruushku maamulo natiijada doorashada November, iyagoo taageeraya Donald Trump, mar la isweydiiyey sida natiijada doorashadu ay aamin u tahay maadaama la isticmaalo Tiknoolajiyadda casriga ah.

Aqalka Kremileen ee looga taliyo Ruushka ayaa eedeynta loojeediyey ku tilmaamey mid laga xumaado. Dmitrij Peskov afhayeenka Kreml ayaa sheegay in Maraykanku ay tahay in ay gudahooda ka eegaan dhibta ay Ruushka ka tirsanayaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay