War dag dag oo hada aan kahelay magaalada Washington ee cariga Maraykanka ayaa sheegaya in uu hada garoonka diyaaradaha ee magaalada Dulles  kasocdo banaan bax wayn oo lagaga soo horjeedo ninka Gobolka Tigrey ka aha waxa ay ugu yeedhaan Madaxwayne ku xigeenka Addis Alem Balema, sida warku sheegayo ama aad daawan doontaanba dadwayne farabadan ayaa isugu soo ururay gagida Diyaaradaha ee Magaalada Dalas oo uu goor dhawayto kasoo caga dhigtay ninkan dhagarta kasoo galay shucuubta kuhoos nool gumaysiga Itoobiya.

Dadka mudaharaadka isugu yimid ayaa ku dhawaaqayay erayo kadhan ah xukuumada TPLF iyo xubnaha ay ku shaqaystaan oo uu kamid yahay ninkan hada ku magacaaban Madaxwayne kuxigeenka Gobolka Tigree, waxayna dadku si xamaasadaysan ugu dhawaaqayeen dhagar qabe doonimayno wuxuu gumaaday Oromia, Ogadenia iyo Axmaara, waxaan doonaynaa in cadaalada lahorgeeyo iyo erayo kale.

Sidoo kale dadka isugu yimid garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dalas ee wadanka Maraykanka ayaa caydh saday isla markaana kala eryay waftigii uu hogaaminayay ninkan lagu sheegay madaxwayne kuxigeenka Tigree waxaana la arkayay iyagoo gudaha garoonka ku eryanaya.

Sikastaba ha ahaatee dadkii ay gumaysan jirtay qawmiyada tirada yar ee Tigrey ayaa gudaha iyo dabadaba kakacay waxayna umuuqataa in hada uu gabagaboobay xukunkii qawmiyada Tigrey ee cadaadiska ku dhisnaa halka ay qawmiyada kasta doonayso in ay iskeed isu maamusho.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay