Ra’iisul-Wasaaraha dalka Tuuniisiya Xabiib Essid ayaa waayey codka kalsoonida ee Baarlamaanka dalkaasi u qaadey maalintii Sabtida. Baarlamaanka Tuurniisiya oo ka kooban 217 Xildhibaan ayaa 118 kamid ah u codeeyeen in kalsoonida lagala noqdo Raysalwasaaraha, halka 27 keliya ay codka kalsoonida siiyeen.

Muddooyinkii dambe ayaa Xabiib waxaa haystey cadaadis ah in uu is casilo taas oo uu diidey, waxaana Mooshin ka dhan ah loogudbiyey Baarlamaanka. Sababta xilka looga qaadey raysalwasaaraha ayaa ah dhaqaale xumo  baahsan oo wadanka Tuunis kajirta iyadoo ahayd dalkii ugu horeeyey ee kacdoonkii Carabta 2011 uu ka bilowdey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay