Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay hogaaminta qawmiyada Oromadu ku dhawaaqeen in ay dhigi doonaan isu soobax aad uwayn oo kadhici doona dhamaan magaalooyinka waawayn ee Gobolka Oromia.

Sida warkan aan kuhellay banaanbaxa wayn ee lagu dhawaaqay ayaa dhici doona maalinnimada Sabtida ah ee soosocota taariikhduna ay kubeegantahay 6/8/2016, Sida ay qaban qaabiya yaashu sheegeen waxaa lagu wadaa in ay taariikhdan dhamaan magaalooyinka waawayn ee Oromada ay isugu soo baxaan dadwayne aan cadadooda laqiyaasi karin oo hada diyaar u ah in ay maalintaas soo bixi doonaan.

Meelaha ugu badan ee shacabka Oromodu isugu soo bixi doono waxaa kamid ah magaalada Addis Ababa oo ay Oromadu uyaqaanaan Finfinee waxaana lagu wadaa in ay magaaladaas Sabtida wacdaro kadhigaan kumanaan kacadhaysan gabood fallada iyo cadaadiska lagu sameeyo shacab kooda.

Dhinaca kale banaan baxyada ayaa Itoobiya fal dambiyeed ka ah waxayna ciidamada gumaysigu markasta shacabka u adeegsadaan awood aan caadi ahayn marka laga reebo qoomiyada Tigreega oo iyadu markay doonto mudaharaada, Arinta sinaan la’aanta xaga sharciga ah waa sababaha ay hada Itooiya uga dhacayaan banaan baxyadu waana arinta keentay in ay dadku kudhiiradaan mudaharaad yada la mabnuucay.

Sidoo kale Generallo iyo siyaasiyiin kale ayaa si furan u sheegaya dhibka iyo kala dhaqaaqa kajira Itoobiya waxayna siyaasiyiintu tusaale usoo qaadanayaan shacabkan meelkasta sidii wabigii uga burqanaya iyo xushmada loohayo dowlada oo dhulka kudhacday.

ONA/ Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay