Shacab aad u tiro badan oo Turkida ku nool dalka Jarmalka ah ayaa banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ku qabtay magaalada Cologne. Banaanbaxan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo lagu taageerayo Erdogan oo ka dhaca dalalka Yurub kadib inqilaabkii fashilmay ee 15-kii bishii Luulyo (July) ka dhacay wadankaasi Turkiga.

Xukuumada Jarmalka ayaa ciidamo badan geysay magaalada Cologne oo laga cabsi qabay inay ka dhacaan rabshado kadib markii kooxaha cunsuriyiinta Jarmalka ay iyaguna sheegeen inay qaban doonaan mudaharaad kaloo looga soo horjeedo banaanbaxa lagu taageerayo Erdogan.

Balse Kooxaha cunsuriyiinta ayaa markii dambe ku fashilmay inay sameeyaan mudaharaad balaadhan kadib markii ay waayeen dad ku filan oo kala qeyb qaata mudaharaadkaasi ladoonayey in loogu jawaabo Turkida. Banaanbaxa Turkida ay dhigeen ayaa si weyn looga dareemay magaalada Cologne.

Dowlada Jarmalka ayaa diiday in banaanbaxaasi dhanka Satellite uu khudbad uga soo jeediyo Madaxweyne Erdogan, arrintaasi oo ay dowlada Turkiga si weyn u cambaareysay. Waxaana goobtaasi khudbado kasoo jeediyey xubno ka socda Jaaliyada Turkida Jarlka iyo Wasiirka Sportiga Turkiga oo halkaasi tagay.

ONA/ Germany

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay