Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee AFP, Wasiirka Ariimaha Gudaha ee dalka Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in xukuumaddu ay xidhay ilaa labaatan Masjid bilihii u dambeeyay ee sanadkan.

Wuxuu intaas ku daray in ay qorshaynayaan in ay xidhaan kuwo kale iyadoo la adeegsanayo awoodaha xaaladda dagdaga ah ee loogu talagalay in lagula dagaalamo xagjirnimada. Cazeneuve oo la kulmay Masuuliyiin magac leh ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah laga sameeyo maalgalinta masaajidda ay muhiim tahay.

Arrintaas ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen in maalgalinta dibadaha laga helo ay dhiirigalinayso xagjiraynta.  Madaxa Gudiga Muslimiinta Anouar Kbibech ayaa sheegay in bilo gudahood lagu abuuri doono hannaan ama qaabab kale oo loogu raadinayo maalgalinta masaajidda.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay