Dhisme ay ku badanyihiin Dadka Ajaanibta ah ee ku sugan Dalka Afgaanistaan ayaa lagu qaaday weerar qaraxyo ah oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Weerarkan oo loo adeegsaday Gaadhi weyn oo Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday saldhigga Bagram oo ku yaalla duleedka caasimada dalka Afghanistan ee Kabul.

Sidoo kale, Dhismaha laweeraray oo loo yaqaano North Gate, ayaa saddax sano kahor lagu qaaday weerar noocan oo kale ah, kaasoo ahaa mid ay ka dhasheen khasaarooyin fara badan. Wararka hordhaca ah ee laga helayo Weerarkan ayaa lasheegay inay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa askari, halka kan kalena uu ahaa mid kamid ah xoogagga Taliban ee weerarkan fuliyay.

Ururka Taliban ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegtay inay ka dambeysay weerakan, waxaana ururku uu intaas ku daray in qaar kamid ah Taliban ay dhismaha gudaha u galeen. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay, manajiro war kasoo baxay dhanka maamulka Afghanistan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay