Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Emirates ayaa si deg-deg ah ugu degtey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dubai ee dalka Isku-Taga Imaaraadka Carabta (UAE) kadib markii dab qabsadey.

Diyaaradan oo duulimaadkeedu ahaa Thiruvananthapuram (India)- Dubai ayaa dabku qabsadey si weyn xiligii ay degeysey, waxaana u gurmadey gawaadhida dab demiska ah ee ka hawlagala garoonka Diyaaradaha ee Dubai.

Diyaaradan ayaa waxaa saaraa 282 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah xiliga ay ku degtey Garoonka caalamiga ah ee Dubai, Hay’adda Hawada ee Dubai ayaa sheegtey in lasoo badbaadiyey dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaaradda.

Sida ay sheegtay Hay’adda Hawada ee Dubai lama oga waxa sababey dabkan qabsadey qaybta hore ee diyaarada. Hawada ayaa ah mid aad u xun waxaana cirka isku shareeray dabaylo xooggan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay