Afgambigii dhicisoobay kabacdi dowladda Turkigu ayaa ku dhawaaqday 3-bilood oo xukun deg degga ah, talaabadaas oo si toos ah u joojisay ku dhaqanka heshiiskii xuquuqda aadanaha ee Midawga Yurub, waxaana jiray eedaymo ku saabsan in si xun loola dhaqmay qaar kamid ah dadkii loo xidhay inay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay.

Arimahan iyo kuwo kaloo badan ayaa kamid ah agendaha ugu sarreeya ee Xoghayaha Guud ee Golaha Midawga Yurub,Thorbjorn Jagland, oo isagu mas’uul ka ah ilaalinta ku dhaqanka xeerarka xuquuqda aadanaha ee wadamada xubnaha ka ah qaaradda Yurub. Laakiin waxaa uu sidoo kale maqli doonaa liis cabashooyin ah oo dowladda Turkigu u soo jeedin doonto wax ay u aragto Yurub iyo Maraykanku inay si xoog leh u taageeri waayeen.

Majirin saraakiil sare oo kale oo xagga siyaasadda ka socda oo Turkiga booqday tan iyo markii afgembigii dhicisoobay oo ka dhacay dalkaasi. Saddex wafdi oo baarlamaanka Turkiga ka socday ayaa loo kala diray London, Brussels iyo Washington si ay kiiska dowladooda ugu bandhigaan. Maraykanka waxay ku cadaadinayaan in loosoo gacangeliyo wadaadka daaciga islaamiga ah ee Fetxullah Guulen, oo dawaldda Turkigu ay ku eedeynayso inuu soo maleegay afgembigii dhicisoobay badhtamihii bishii hore ee July.

Maraykanku waxa uu sheegay inay horeyba uga fiirsanayeen codsiga Turkiga. Turkigu waxay ku adkaysanayaan in Maraykanka looga baahanyahay inay arrintan dhaqso wax uga qabtaan, hadii kale ay saamayn wayn ku yeelan doonto iskaashiga labada wadan ka dhexeeya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay