Dawlada Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in dagaal dhexmarey ciidanka Qaranka Kenya iyo kooxda Al-Shabaab maalintii Arbacada ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 3/8/2016.

Dagaalkan ayaa ka dhacay tuulo hoostagta Gobolka Mandheera ee Waqooyi-Bari Kenya. War ka soo baxay dawlada Kenya ayaa lagu sheegay in ay ka hortagtay oo fashilisey weerar ay isku dayeen kooxda Al-Shabaab in ay ka fuliyaan gudaha wadanka Kenya.

Eric Oronyi oo u hadley dawlada Kenya ayaa sheegay in ciidankoodu ay Al-Shabaab dib ugu celiyeen gudaha Soomaaliya kadib markii ay soo weerareen tuulada lafey. Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii danbe kor u qaadey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay