Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa xiisad horleh ka dhex abuuray xisbigiisa kadib markii uu cambaareyn adag kala kulmay qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbigiisa oo dhaliilay hadallada qalafsan ee uu Trump la beegsaday qoyska Askari muslim ah oo ku dhintay dagaalkii Ciraaq.

Xiisada u dhaxeysa Trump iyo Qoyska Khan ee Askariga ku dhintay Ciraaq ayaa bilaabatay xiligii uu socday shirweynihii xisbiga Dimuquraadiga halkaasi oo uu khudbad uu kasoo jeediyey Aabaha dhalay askari muslim ah ku cambaareeyey hadallada cunsuriga ah ee uu Trump la beegsado Muslimiinta guud ahaan.

Balse jawaabihii uu Donald Trump ka bixiyey arrintaasi ayaa xiisado horleh keenya, isagoona diiday inuu raali gelin siiyo qoyskaasi. Waxaana hadalada Trump cambaareeyey Afhayeenka Baarlamaanka Paul Ryan oo kamid ah hogaanka xisbiga Jamhuuriga iyo waliba Madaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senateka iyagoo ku tilmaamay hadallada Trump mid khaldan. Waxaa sidoo kale murashaxa cambaareyn kala dul dhacay Senator John Mccain oo horey usoo noqday Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay