Maanta oo Jimce ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 5/8/16 waxaa magaalada Riyaad ee Caasimada Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ka qabsoomay shirkii Jaaliyada S.ogadenia ee wadanka sucuudiga Faraca Riyaad waxayna isugu yimaadeen shirkoodii  todobaad laha ahaa kaasoo ay kaga arin sanayeen hawlaha jaaliyada iyo halganka Ogadenia.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Isku duwaha  Jabhada u qaabilsan bariga dhexe mudane halgame Cabdulaahi Ciraqi shirkan ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana soo jeediyay fadiilatu sheekh  Xassan Nuur sheekha ayaa wuxuu aad uga hadlay jihaadka iyo fadligiisa waxa uuna si waafi ah u sharaxay xaqnimada jihaadka Ogadenia.

IMG-20160805-WA0032

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay wakiilka JWXO ee bariga dhexe Halgame Cabdulahi Ciraaqi halgame cabdulaahi ciraaqi ayaa wuxuu si fiican uga hadlay xaalada dhabta ah ee gumaysiga Ethiopia maanta ku sugan yahay kala cararka iyo cadaawada fog ee sii xogaysan haysa una dhaxaysa qawmiyaadka Ethiopia.

Waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha faraca Riyaad mudane Sheekh Mustafe Khaliif wuxuuna gudoomiyuhu halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo  badan taabanaysay wuxuu sidoo kale sharaxay wax qabadka guud ee jaaliyada iyo waliba waxa miiska u saaran ee loo baahan yahay inay qabtaan taas oo ay kamid tahay in loo diyaar garoobo in la difaaco dhulkii hooyo  laguna noqdo sheekh mustafe ayaa wuxu kusoo gaba gabeeyay hadal kiisii dhulka Ogadenia waa inay difaacaan dhalin yarada Halganka laf dhabarta u ah.

IMG-20160805-WA0016

waxaa kale oo shirka ka hadlay xubno cusub oo kusoo biiray Jaaliyada aad na u farxad galiyay dhamaan kasoo qayb galayaashii shirka xubnahan ayaa waxaa kamid ahaa hadaladoodii gumaysiga Ethiopia waa inaan u midoow naa aana is kaashanaa dhamaanteen.

Guntii iyo gunaanadkii shirkii ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi dagan waxaana aad u fiican waxaana lagu balamay in lasii laban laabo dadaalka  halganka iyo dagaalka lagula jiro gumaysiga Ethiopia.

IMG-20160805-WA0018IMG-20160805-WA0035IMG-20160805-WA0033IMG-20160805-WA0043

ONA/Riyaad

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay