Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd  05/08/2016 waxaa kulan muhiima yeeshay ururka culumada ogadenia ee UCSO faraca magaalada Gaarisa ee wadanka kenya kulan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan dhaman xubnaha ururka UCSO ee Gaarisa ugu horayn ba waxaa la bilaabay quraan akhris waxaana meeshii lagu dhameeyay quraanka kariim ka ah iyo alla bari

waxaa intaas kadib furay Gudoomiyaha Culumada ogadenia faraca Gaarisa Sheekh Mohamud Baaruud wuxuuna ka war bixiyay kulankii uu kasoo qayb galay ee ka dhacay xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya gudoomiyaha ayaa si fiican u sharaxay qodabadii shirka lagaga soo hadlay sidoo kale wuxu ka hadlay waxa hor yaala faracooda ee loo baahan yahay inay qabtaan

waxaa kale oo ka qayb galay kulankan gudoomiyaha jaaliyada ogadenia ee Gaarisa Sheekh Mohamed Cusmaan wuxuuna ka sheekeeyay xaalada halganku so maray sidoo kale wuxu ka hadlay xaalada halganku uu maanta maraayo iyo dhibaatooyinkii caqabadihii laga soo gudbay dhibaatadii uu gumaysigu ina soo mariyay iyo marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay waxaa kale oo ka hadlay hogaanka arimaha bulshada iyo isdhexgalka Mudane Shaafi wuxuuna ifiyay xaqiiqada iyo xaqnimada halganka

Guntii iyo Gunaanadkii shirkii ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi dagan sidoo kale duco iyo quraan ayaa lagu soo khatimay

IMG-20160805-WA0046IMG-20160805-WA0044

Wariye Xaadsane

ONA/Gaarisa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay