Xukuumada Koonfurta Sudan ayaa aqbashay in dalkeeda lageeyo ciidan gobolka ka socda oo gacan ka geysta sidii lagu badbaadin lahaa heshiiska nabadeed ee colaadda dalkaasi laga gaadhay.

Madaxda dalalka IGAD oo shalay arrinta Koonfurta Sudan uga shiray, ayaa ku heshiiyay in haddii uu Riek Machar dib ugu laabto caasimadda Juba, uu dib ula wareegi doono xilka madaxweyne ku xigeenka 1aad, kaasoo dhawaan loo magacaabay Taban Deng.

Laakiin madaxda IGAD ayaan shaacin xilliga uu howlgalayo ciidanka ay u dirayaan Koonfurta Sudan, tiradiisa iyo dalalka uu ka imanayo. Xukuumadda Juba ayaa horay u diiday ciidan dheeraad ah oo dalkaasi lageeyo, balse cadaadis kaga yimid beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay in ay ku aqbashay.

Dagaal dhawaan ciidanka madaxweyne Salva Kiir iyo xooggaga taabacsan Riek Machar ku dhexmaray caasimadda Juba, ayaa dhaliyay walaac ah in uu dib u qarxo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay