Waxaa ku xusan Quraanka in qawmikii nabi Luud ay ku yidhaahdeen ninkan iyo inta raacsanba na dhaafiya waa dad is-nadiifinaya oon ogolaynna inay nala wasaqoobaane. ?????? ?? ??? ?? ?????? ????? ???? ??????? – Waxaa hubaal ah sida aan ka akhrinay meela badan ama aan ka maqalnay dad badan oo yaqaana Dr. Axmad Sheekh in arintaa mid la mid ah looga soo eryay Jigjiga. Waxayse dad badan la yaaban yihiin siduu ugu adkaystay Dr. Axmad Sheekh mudada intaa la’eg inuu la joogay koox hamigooda koobaad uu yahay dadka shacabka ah oo la laayo iyo fusuq iyo xumaan oo idil in la sameeyo. Qofkii ka san taaga hawlahoodana la yidhaahdo wuxuu raacsanyahay –nabad-diidka- oo la xidho lana bahdalo. Iyadoo waliba loo marayo asluub ciyaal suuqnima ah oon u qalmin qof aqoon iyo akhlaaq lahaa sida laga sheegay Dr. Axmad sheikh.

Dad xog ogaal ah oo ka ag-dhow xafiisyada gumaysiga oo si aad ah ugu dhuunduleela xinifta ka dhex oogan budhcadda gumaysiga uu dhigtay Jigjiga ayaa sheegaya inuu Cabdi ilay shir uu qabtay markuu ka soo nqoday Mareykanka uu shirka dhexdiisa ugu hanjabay dr Axmad isagoo yidhi; “Ahmadoow waad kibirtay waxaad ii malayn kuwii iga horeeyay sidoodoo kale inaan kaaga xishoone way inoo tahay hadaanan baalasha kaa rifin”. Muddo ka dibna sidii dhaqanka u ahayd Cabdi ilay wuxuu u soo shiriyay kooxdiisii waxaana loo sacabba tumay in Axmad sheekh laga xanyuubiyay dhamaan wixii uu xil hayay isla markaana loo diyaarinayo xabsi uu garanayo Axmad Sheekh sida loola dhaqmo dadka ugu xareysan dhiigyacabka Cabdi ilay.

Arima badan oo isbiirsaday ayaa keenay inuu Dr. Axmad u sii dulqaadan waayo Cabdi ilay iyo kooxdiisa waxaana ka mid ah bay yidhaahdeen dad aan kala xidhiidhnay Jigjiga, iyadoo Cabdi ilay uu tuhunsan yahay inuu Dr. Axmad sheekh ka dambeeyay dacwada badan oo laga gudbiyay oo ku saabsan dhibka ay ku hayaan maxaysatada cabdi ilay dadweynaha reer miyiga ah iyo sidoo kale xabsiyada ku yaala jigjiga ee dadka lagu jidh dilo. Waxaa la sheegay inuu meel fagaara ah ka yidhi dr. Axmad; ” Cabdi ileeyoow jaahil awood la siiyay baad tahaye ka daa dhibaatada aad ku hayso shacabka aan waxba galabsan iyo dhaliyarada aad ku soo xareysatay xabsiyada.”

Mala odhan karaa Dr. Axmad Sheekh wuxuu ahaa shaqsi nadiif ah midkii ugu dambeeyay ee ka soo carara maamul ku sheega Jigjiga oo. Bal hadda aynu eegno waxyaabaha ay ka qoreen qaar ka mid ah shabakadaha gumaysiga ka agdhow oo markay dan leeyihiin qora xaqiiqada jirta. Mar ay wareysteen sida ay sheegeen mas’uul sare oo ka tirsan xafiiska cilmibaadhista oo yidhaahdeen wuu diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay sidan; “Ahmed Sheekh wuxuu ahaa shaqsiga ugu daacadsan, ugu shaqo badan dhinacna ugu wadanisanaa.”

Ereygaa aan hoosta ka xariiqnay ayay su’aal weyn ka jirtaa. Sababtoo ah way adagtahay in la liqo wadninimada lagu sheegay Dr. Axamad isagoo 10 sano ag-fadhiyay mujrimiinta Cabbdi ilay uu ku haysto Jigjiga ee falalka akhlaaqda iyo diinta iyo aadminimadaba ka dhanka ah dadweynaha masaakiinta ah ku haya. Waxaase laga yaabaa inuu sida ay qorayaan dadkii yaqiinay inuu ku taamayay oo islahaa dadweynaha dhanka horumarinta ka kaali, hasa ahaatee wuxuusan ogsoonayn inuu maamulka ka jira Itobiya horumarka kaliyahee ay ogolyihiin u yahay in loo hogaansamo gumaysigooda.

Cabdi ilay ma damacsanayn oo kali ah inuu shaqada ka qaado Dr. Axmad Sheekh sida ay warinayaan saaxiibadii ee waxaa la doonayay in si fiican loo karbaasho oo la baabi’iyo sharaftii uu ku dhex lahaa dadweynaha iyo shaqaalihiisa sida uu yidhi nin ka mid ahaa xafiiskii uu masuulka ka ahaa; ” …Jigjiga waligeed qofka danbi waa loo samayn jiray oo naguma cusba, waxaase argagax galisay dadbadan oon anigu ka mid ahay in shaqsi sida Dr. Ahmed oo kale ah, xafiiska Liyuu boolis loogu soo daadiyo oo shaqsiyan lagu xadgudbo.” Waxaan odhan karnaa wuu istaahilaa inay duleeyaan qofkasta oo ogsoon dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah calooshood u shaqaystayaasha uu dhiigyacab Cabdi ilay soo urursaday ee ka aamusan, wuxuuna la midyahay siduu Rasuulk CS sheegayba Shaydaanun akhras.

Dad aan kala xidhiidhnay Nairobi oo hadda uu ku suganyahay Dr. Azmad sheekh waxay noo sheegeen in dad badan oo ka socda maamulka Jigjiga iyo nidaamka KT. Zinawi ay la soo hadleen Dr. Axmad iyagoo leh waa lagu cafiyay ee soo noqo, hasa ahaatee ay ka quusteen sababtoo ah wuxuu ogsoonyahay Axmad ujeedada ay ka leeyihiin iyo meesha uu ku dambaynayo haduu cag dhigo Jigjiga.

Waxaad moodaa inay hadda ka quusteen isku daygaa sida uu noo sheegay nin saaxiibkii ah oo jooga Nairobi, balse waynu ogaan doonaa kubta uu uga sii ambabaxo Dr. Axmad Sheekh oo waxyaaba badan xogo-ogaal u ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay