Dagaal dhabagal ah oo  ay CWXO u galeen kolanyo gaadiid ah oo wadadda Galaalshe socday taariikhdu markaya ahaydf 11/11/2011 ayaa waxaa halkaa lagaga gubay cadawga laba baabuur iyo wixii saarnaa iyadoo isla habeenimadiina la weeraray  laba jeer oo si xoogan dagaal loogu qaaday goobtii ay fadhiisteen. Khasaaraha ka dhashay weeerarada habeenimo ayaan wali cadayn. Waxaa wararka naga soo gaadhaya Xarunta dhexe ay sheegayaan in ay maalmahan jireen dagaalo dhex maray naftood hurayaasha CWXO iyo kuwa Wayaanaha.  Wararku waxay intaa ku darayaan in loogu gaystay ciidanka cadawga khaasre naf iyo maalbna leh dagaaladaa.  

Weerarada ay qaadeen CWXO maalmihii la soo dhaafay ayaa u dhacay sidan;

24/10/ 2011 dagaal habeenimo oo ka dhacay Qaraara oo ka tirsan degmada Fiiq waxaa ciidamada cadawg lagaga dilay   2 askari waxaana lagaga 1 mid kale

6/11/2011 dagaal ka dhacay Saliida oo ka tirsan degmada Fiiq waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 3askari waxaana lagaga dhaawacay 4  kale

7/11/2011 dagaal ka dhacay Qodaxlay oo ka tirsan degmada Qabridahar waxaa ciidamada cadcawga lagag dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay  4

12/11/2011 dagaal ka dhacay ceelka Malayko oo ka tirsan degmada Garbo waxaa ciidamada cadawga lagaga  dilay 6 askari waxaana lagaga dhawaacay 10 kale

Waxaa kale oo jira dagaalo habeenimo  oo lagu qaaday deegaanada Qoolaali, Qodaxlay, Laasdhoonqil iyo meelo kale kuwaas loo cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare

Dhinaca kale waxaa jira dhibaatooyin soo gaadhay dadka dagaaanka meelahaa ay dagaaladu ka dhaceen oo ay gaysteen ciidamada cadawga.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay