Mawduucan uu ka hadlay sheekha oo ah qaacidada loo yaqaano (Walaa Wal-baraa) oo ah inuu qofka muslimka imaankiisa ku baadho qofka uu jecelaanayo (la heshiinayo) iyo midkuu necebaanayo (la dagaalamayo) ayay culumada ku tilmaamaan inuu yahay tiir culus oo ka mid ah tiirarka isku haya umadda islaamka.

Hadaba Sheekh Maxamad Umal ayaa waa aan fogeyn muxaadro aad u qiimi badan oo arintaa ku saabsan u jeediyay mujtamaca Somalida isagoo u tilmaamay siday isaga ilaalin lahaayeen inay ku dhacaan khatartaa uu Rasuulka CS uga digay umadiisa.

Maalintii ay kooxda Ibraahim dheere u foofeen dhanka Adisababa oo sida badheedhka ah ay isugu dhiibeen cadawgii umadda islaamka ah ee Somaliyeed ayuu Sheekh Umal si cad u cambaareeyay talaabadaa isagoo ku tilmaamay inuu ahaa diin ka bax.

Filimkan sawirada ah wuxuu raadraacayaa talaabooyinkii ay qaadeen kooxdii Ibraahim dheere horjoogaha u ahaa ee is-dhiibtay talaabooyinkaasoo muujinaya inay si cad ugu badheedheen –Muwaalaatul Kufaar-  Arag oo maqal.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay