Wariyaha wakaaladda ONA ee la socda CWXO ayaa warbixinadii uu ka soo ururiyay goobaha dagaalka ku sheegay inuu jab iyo halaag Wayaanaha ka soo gaadhay gaar ahaan dagaaladii todobaadadii u danbeeyay ka dhacay meelo kala duwan oo wadanka Ogadenya ah.

Dagaaladaasi  oo badankoodu ahaayeen weeraro si-kutalo gal ah uu CWXO oogu qaaday maxaysatada Gumaysiga ayaa waxaa lagu qaaday Saldhigyada iyo dhufeysyada ay Wayaanuhu Ogadenya ka daganyihiin. Waxaa kaloo jira weeraro kuwaasi la mid ah oo lagu qaadayay marka ay ciidamada Wayaanaha xeryahooda uga soo baxaan hawl-galka xasuuqa shacbiga Ogadenya ka dhanka ah. Waxaa haatan sida uu wariyahayagu xaqiijinayo dhif iyo nadir noqotay in Wayaanuhu dhufeysyadiisa kor uga soo baxo.

 Weerarada Gobanimo doonka ayaa miisaankiisu uu ka dhacayaa hadda jihada galbeed ee Ogadenya, iyadoo Wayaanha uu isku dayayayo inuu difaacdo marinada muhiimka u ah joogitaankiisa Ogadenya sida Harar oo ah Saldhiga Qaybta(Division) Bari ee militaryga itoobiya, halkasoo ah kobta ciidamadoodu ay Ogadenya ka gumaystaan, Somaliyana kaga duulaan.

Khasaaraha wayaanahu kala kulmay dagaaladii ay CWXO isku haleeleen ayay warbixinta wariyaha wakaaladda iyo taliska gaashaan dhiga CWXO ay xaqiijinayaan ku sheegeen in isugayntooda ahayd 212 Askari ay  goobaha dagaalka uga bakhtiyeen cadawga iyo dhaawac tiro badan iyadoo qaar ka mid ah gaadiidka militeriga wayaanaha lagu gubay jid-gooyooyin loo dhigtay. Waxay CWXO ka furteen cadawga qalab ciidan oo kala duwan. Waxaa kaloo ay sheegayaan warar aan helnay inay jiraan baxsasho iyo is Khilaaf ka dhex bilowday gudaha ciidanka gumaysatada Itoobiya.

 Fahfahinta  dagaaladii u danbeeyay ee Wariyaha ONA uu soo gaadhsiiyay qaybta warqabadka ayaa ahaa sidan;

31/03/2011 Weerar uu CWXO oo si heer sare ah u qalabaysan ku qaaday askarta naf lacaariga ah ee gumaysatada itoobiya oo duulaan shacbiga ka dhana ah ku joogtay meesha la yidhaahdo Dalalaha oo Dagmada Dh/madaw ee Gobalka Jarar ka tirsan, ayaa gabi ahaanba Wayaanihii laga dhigay wax la dilay, waxa la dhaawacay, iyo inyar oo fara caaradood ku baxsatay, iyadoo goobtaasina uu CWXO ku furtay hub fara badan iyo saad ciidan. Dhimashada Wayaanaha ayaa inta N.hurayaashii dagaalka galay ay tiriyeen waxa ay noqotay 41 askari, halka dhaawacuna intaasi ka badanyahay. Xeradii ay ka soo bexeen ciidanka dagaalka lagu jabiyay ayaan cabsi darteed wax gurmad ah ku soo samaynin goobtii saaxiibadood lagu halaagay. Isla bishii March 22keedii weeraro ay geesiyada Xoreynta Ogadenya la beegsadeen   maxaysatada Wayaanha oo hawlgalo shacbiga ka dhan ah u joogtay Wancari oo dagmada garbo ka tirsan iyo Caasha-Cadeey oo Gobalka Shabeele ka tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 9 askari oo Wayaane ah , waxaa kaloo laga dhaawacay 5 kale.

Dagaaladan oo sida uu wariyahayagu noo soo xaqiijiyay sii balaadhay tan iyo bilawgii bishani April, ayaa Weeraro heerar kala duwan ah uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo ku kala sugnaa Cobasha-baabili oo Dagmada Baabili ka tirsan, Mooyaha oo Dh/madaw ka tirsan. Dhaawaale oo aan Galaalshe saas uga fogayn iyo Karinka Xaare oo isla Nogob ka tirsan, ayaa isu gayn waxaa ku bakhtiyay 7 askari oo Wayaane ah, halka dhaawacuna 9 yahay. Dagaaladan qaarkood ayaan khasaarihii cadawga soo gaadhay faahfaahin dheeraad ah laga haynin.

Sadexdii maalmood ee bishani April ugu horaysay ayay N/hurayaasha CWXO saad iyo saanad ciidan oo kala duwan Wayaanha kaga furteen dagaalo meela kala duwan ka dhacay.

Maalmihii ay bishani April  04 iyo 05  ahayd ayaa Todoba weerar oo meelo kala duwan ka dhacay waxa uu CWXO la beegsaday Askarta doolka ah ee Wayaanaha oo markaasi ku kala sugnayd, garba-diimo iyo Dhurwaale oo Nogob ka wada tirsan, Laab iyo God-ookhale oo Shabeele ka tirsan, Qarsooni iyo Jugle oo Qorahay ka wada tirsan iyo meesha loo yaqaano Xiirane oo Doollo ka tirsan, dagaaladan oo si isdaba joog ah wayaanha loogu qaaday ayaa kuwa ilaa iyo hada ay faahfaahintoodu na oo gaadhay waxaa isu gayn Wayaanaha lagaga dilay 9 askari iyo 3 ay dhaawacyo xunxumi soo gaadheen, halka qayb dagaaladani ka mid ahna aan faahfaahintooda wararkayaga danbe idiinku soo gudbindoono.

Weerardan uu CWXO gumaysatada Itoobiya kaga xoraynayo wadanka Ogadenya oo si isu miisaaman haatan uga soconaya dhul-weynaha Ogadenya ayaa waxaa kaloo kamid ah, weeraro culculus oo geesiyada xoreynta Ogadenya la beegsadeen wayaanaha oo ku kala sugnaa.

Laab oo Shabeel ka tirsan, Magaalada Dhuxun, meesha lagu magacaabo Sanadul-amiin iyo  karinka Buseyti  oo dhamaantoodba ka wada tirsan Gobalka Nogob, iyo sidoo kale Dajinka iyo Xero-jabhad oo Doollo ka wada tirsan ayaa inta ilaa iyo eegga naloo soo xaqiijiyay waxaa isu gayn wayaanaha lagaga dilay 68 Askari 12 kalana waa lagag dhaawacay, dagaaladan cadawga lagu riiqay ayaa waxaa ka mid ah dagaal waranka la is dhaafsaday oo markii hore ka bilowday dhabagal uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo marayay Karinka-Buseyti oo Ceela-obo u dhaw, halkaasi oo  dagaal mudo socday qudha lagaga jaray 50 askari oo Wayaane ah, dagaalku intaasi kuma dhamaanin,balse Wayaanihii ayaa isku dayay inuu gurmad soo sameeyo, si ciidankoodii la jabiyay uu taageero iyo sahay ugu fidiyo, hase yeeshee CWXO oo hogaamin culuumta Militaryga ku xeeldheeri ay dagaal galinaysay ayaa  jihooyinkii birmadka cadawga laga filayay oo dhan diyaar gawar buuxa ka sameeyay, taasi oo markii danbana gurmadkii Wayaanaha inta dhexda lagu haleelay midba meel lala maray, waxa uuna CWXO gacanta ku dhigay saadkii wayaanaha iyadoo dhanka kalana halkaasi cadawga khasaare culus lagu soo gaadhsiiyay, waxaana xusid mudan in Taliyihiin Ciidanka gumaysiga oo darajadiisu Colonel ahayd oo lagu naanaysi jiray Gumar halkaasi lagu dilya, waxaa kaloo intaasi dheer  qalab fara badan oo CWXO goobahaasi ka furtay, isla dagaaladani oo 06, iyo 07dii bishani Apr dhacay ayaa goobta lagu magacaabo Xero-jabhad waxaa lagu gubay hal gaadhi oo Gumaysigu leeyahay oo ciidan iyo qalab ka buuxeen, halka gaadiidkii la socdayna  la curyaamiyay oo madaafiicda garbaha laga tuuro lala haleelay.

 

 Weeraro kale oo 09 bishan Apr uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo ku kala sugnaa Dhabajiriso oo Birqod u dhaw, Mir culus oo Xerada wayaanhu Sheykoosh kul eeyahay loo gaystay, Dhaba-gal isna Wayaanha loogu gaystay Xarshimo oo shaykoosh u dhaw, iyo weeraro kale oo cadawga loogu gaystay goobaha kala ah Salaxa-Qarsooni oo Baabili u dhaw, Jaarkow, Jaara, iyo qudhaca oo iyaguna Gabriile ka wada tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 11 wayaane ah halka 18 kalna inta la hubo lagaga dhaawacay, iyadoo goobaha qaarkoodna uu CWXO saad iyo saanad ciidan ku furtay. Sidoo kale sadex weerar oo uu CWXO la beegsaday Wayaanha oo kala joogay, Nasiye oo Gobalka jarar ka tirsan, Adhi-xumeys iyo Sarmaan oo shabeele ka tirsan, Qudhac Meydal iyo Gaafow oo Nogob ka tirsan, baliga-sadarka iyo xalaalgoow oo Qoraxay ka tirsan iyo Muluqaa oo Baabili ka tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 61 Wayaane ah halka 56 kalna isu gayn lagaga dhaawacay, dagaaladan oo isugu jiray dagaalo waaweyn iyo kuwo  dhexdhexaad ah ayaa waxa ay kala dhaceen, maalmihii ay bishabi Apr 11, 12, iyo 13ka ahayd,  inta badan goobahan dagaaladu ka dhaceen ayuu CWXO hub iyo saad ciidan oo badan ka furtay, gaar ahaan waxa uu wariyahayagu noo soo cayimay, 4 qori  oo AK47 ah, rasaastoodii iyo qalabkoodii kale in ay N/hurayaashu ka dul qaateen 4 askari oo ay Wayaanaha kaga dileen Balliga Sadarka oo qoraxay ka tirsan.

Dhanka kale weeraro isugu jira Mir, dhabagal iyo dagaalo waawayn oo CWXO iyo maxaysatada Wayaanaha ay 14, 15, 16 iyo 17kii April ku dhex maray Gudaha magaalada Awaare, Galaalshe, meesha la yidhaahdo Axmed-gaab oo Jarar ka tirsan, jidgooyo gaadiid cadawgu leeyahay Garigoan loogu gaystay, iyo dagaal kale oo Hootaale oo Garigoan ka tirsan ka dhacay, ayaa dhamantoodba cadawga khasaare  laxaad leh loogu gaystay,, dagaaladan ayaa khasaaraha cadawga ka soo gaadhay waxaan faafaahin sugan ka helnay Garigo’an oo 4 Wayaane ahi ku bakhtiday, 5 kalana lagaga dhaawacay.

 Isku soo wada duuboo  khasaraaha cadawga dagaaladii u danbeeyay ka soo gaadhay oo dhaawaciisuna boqolka kor u dhaafayo, ayaa xooga dagaalku waxa uu ku sii siqayaa xuduuda galbeed ee Ogadenya la wadaagto gumaysatada itoobiya, waxaana sida uu wariyahayagu xaqijinayo isasoo daba dhacaya guulaha ay N/hurayaasha CWXO kala hooyanayaan meel kasta oo la iskaga horyimaado,  waxaana jira qalab ciidan oo ka kooban qoryaha fudfudud,  BKMyo, Qoryaha Shiishka badan ee Saneefarka loo yaqaano, rasaas tiro badan, Direys ciidan, isgaadhsiin iyo qalab kale oo Military oo ciidamada Xoreynta Ogadenya gobaha dagaalka  todobaadadii u danbeeyay ka furteen,

Guusha shacbiga Ogadenyaa Iska leh.

ONA

 

 
 

3 Comments

  1. Musse says:

    Salams<
    Waa war lagu faxro waana ku ammaanayaa WXO laakiin Bal isku daya inaad si kooban u qortaan aad buu u dheeryahay!!! wararka iyo faalooyinkana kala duwa!! warku waa inuu yaraadaa Faaladuna waxay noqon kartaa wax dheer, ha u ekaanina Cakaara-ileey. pls!

  2. GOGLO QORAHAY says:

    ALLAHU AKBAR RUTNII WAA WAX LAGU FARXO GUULAHA AY KA GAAAREEN XAQU DIRIRKA JWXO GOOBAHA DAGAALKA ILAAHAY HAYDIN GUULEEYO HALKAAS KASII WADA ANAGUNA HADAAN NAHAY QURBA JOOGTA REER OGADENIA HIIL IYO HOOBA GARABKIINAAN TAAGANAHAY GUUL IYO GOBONIMO VIVA ONLF

  3. Gor_gor says:

    Waa sidaan rabay ha socoto way is ku xidhantay maanta wallee; jabkoodu ma yara

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay