Jamciyada quruumaha kadhaxaysa oo in dhawaalaba sheeda kala socotay xaalada qasan ee Itoobiya ayaa hadal kasoo baxay lagu sheegay in wadanka Itoobiya loodiro wafti madax banaan oo soo baadha gabood falo badan oo lafilayo in ay gaysteen ciidamada Itoobiya.

Sida hadalka Qaramada Midoobay (QM) kasoo baxay lagu sheegay waxay beesha caalamku kawalaac santahay iska hor imaadyada u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada Itoobiya oo mudo dheer socday kuwaas oo la sheegayo in ay ciidamada Wayaanuhu adeegsadeen awood kasta oo loo adeegsan karo dad bini’aadam ah, sidaas awgeed QM ayaa ku baaqday in gudi xog uruurin ah loodiro goobaha ay qalalaasaha ugu badan kajiraan hada.

Dhinaca kale ururada mucaaradka ah ayaa si isdaba joog ah usoo bandhiga gabood fallada ay ciidamada gumaysigu ugaystaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan wadanka saxaafadii laga mabnuucay ee gacanta ugu jira kooxda TPLF.

Ma aha markii ugu horaysa ee uu baaq kusocda xaalada Itoobiya kasoo baxo QM waxaa si isdaba joog ah usoo baxayay todobaadadan walaacay ay beesha caalamku kaqabto burburka soo food yeeshay ee Itoobiya iyo waxa xigi kara.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada TPLF oo looga bartay in ayna dhag jalaq usiinin cidkasta oo talo keenta ayaa lafilayaa in ay hada abaal la’aan shacabku xaqoodii raadsadeen kuna taamayaan in ay mar aan dheerayn hantiyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay