Saraakiil ka socda dalka Uganda oo kamid ahaa hawlgalka AMISOM ayaa lagu xukumey xabsi kadib markii lagu helay fal loogu yeedhay Dhaqan-xumo. Askarta ayaa lagu helay dambi ah raadinta dano shakhsiyadeed oo khatar u soo jiidi kara hawlgalka ciidanka Uganda marka la eego Xeerka Uganda.

Askarta la xukumay ayaa Sagaal kamid ahaayeen koox kamid ah askartii ku lug lahayd fadeexaddii iibsiga shidaalka ee dhacdey bishii Juun 2016. Maxkamad milatari oo ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa askartan ku ridday xukunka xabsi oo u dhaxeeya sanad illaa saddex sano.

Sidoo kale saddex askari oo kale ayaa laga eryey ciidanka, ayagoo aan heli doonin wax lacag ah oo ku saabsan muddadii ay ciidanka u shaqeynayeen.

Bishii Juun 2016 ayaa ciidanka Somaliya qabteen askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo gadanaya Shidaal iyo rasaas kuwaas oo ahaa shan askeri, baadhitaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in ay ahaayeen 9 askeri oo la soo taagey maxkamadda ciidanka Uganda oo Muqdisho laga furay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay