Golaha Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay heshiis ay xukuumadda Turkiga lagashay dawlada Israa’iil, kaasoo lagu soo afjarayo khilaafka dhanka diblomaasiyadda ah oo socday mudo gaadhaysa 6-sanadood.

Xukuumada Anqara ayaa ka cadhootay markii sanadkii 2010 ay ciidanka gaarka ah ee Israa’iil dileen 10 muwaadiniin Turki ah, kuwaasoo saarnaa markab gargaar bani’aadannimo u siday marinka Gaza ee Falasdhiin, isla markaana ladoonayay in lagu burburiyo go’doominta ay Israa’iil ku hayo deegaankaasi. Falkaasi ayaa waxaa si weyn u dhaliilay beesha caalamka.

Heshiiska oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiiradda Israa’iil, ayaa waxa ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi ay heli doonaan magdhow, halka Turkigana uu bilaabi doono mashaariic wax looga qabanayo xaaladda bani’aadannimo ee Gaza.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay