Maalintii Sabtida ay taariikhduna ahayd 19.11.2011 ayaa waxaa kulan balaadhan isugu yimid Ururka Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia (OYSU) ee wadanka UK qaybihiisa kala duwan.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta magaalada LONDON ayaa ujeedadiisu ahayd baroordiiq lagu xusayay xasuuqa aan loo aabayeelin ee loo gaysto shacbka dulman ee ku hoos jira gumaysiga dooxatada ah ee Ethiopia. Kulaanka ayaa si gaara waxaa loogu xusayay xasuuqii naxdinta badnaa ee 15kii Nove. 2005 kii loo gaystay maxaabiistii ku xidhnayda magaalada Qabridahare taasoo loo aqoonsaday inay ka mida maalmaha xanuunka badan ee ay xasuustaan shacabka Somalida Ogadenia. Maalintaa ayay dhalinyaro curdan ah si waxshinima ah ay xukuumada TPLF hogaamiso ugu xasuuqday Qabridahare iyagoo xabsiga ku jira.

Ururka Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee UK ayaa ka kala yimid dhamaanba gobalada uu ka kooban yahay dalka UK ee OYSU ka jiro iyagoo ay dhalinyartu muujinayeen sida ay uga xunyihiin falalka gabood falka ah ee ay xukuumada TPLF u gaysanayso shacbka aan waxba galabsan ee Ogadenia.

Kulankan oo uu hogaaminayay xoghaya OYSU/UK mudane Salad C/laahi ayaa waxaa lagusoo bandhigay warbixino ka waramayay dhacdadaas Qabridahre oo ay soo jeedinayeen xubno ka soo badbaaday maalintaas xasuuqu dhacay. Sidoo kale waxaa iyagana warbixin maqal & muuqaal ah goobtaas kusoo bandhigay qaybta xuquuqul insaanka u qaabilsan OYSU ee loo yaqaano {Silent Cry Team} iyagoo madasha ku soo bandhigay film naxdin badan oo ka turjumaya xasuuqa baahsan ee loo gaysanayo shacbka S. Ogadenia. Filmkan oo ahaa mid eegga laga soo duubay gudaha Ogadenia oo runtii ay ka muuqden sawiro iyo muuqaalo aad looga naxo ayaa kadib markii ay daawadeen xubnihii ururku ay madashi isu badashay goob murugo iyo qiiro badani ay hadhaysay, waxaana xubnihii ka soo qaybgalay iswaydaarsadeen dood cilmiyeed ku saabsan sidii dadkaas wax looga qaban lahaa.

Waxaa la isla qiray in manta la joogo xiligii shacbkeenu ay dareemi lahaayeen inaan u hiilinay waxqabad keenuna cadaan lahaa loona baahanyahay in dhibaatadan la soo afjaro, waxaana la’isla ogolaaday inuu kaalinta ugu haboon ururka OYSU ka qaato arintaas oo gudiyo kala duwan loo saaray ayaa waxay teamkan Silent Cry xubnihii matalayay oo kuwa heer dal iyo heer caalami ay ka joogeen oo kas soo kicitimey wadamada Europe & USA & AUSTRALIA si ay maalintan ula xusaan OYSU UK. Xubnahaa ayaa balan qaadey inaysan joojinayn hawlahooda siina laban laabi doonaan ilaa maalinta laga xaqiijinayo aayaha shacbiga Somalida Ogadenia.

Iskusoo duuboo kulankan ayaan lamid ahayn kulamadii hore marka la eego waxqabadkiisa iyo qaabka looga soo qayb galayba, waxbadana ka badali doonta horumarka halganka xaqa ah ee ay shacbiga Somalida Ogadenia ku baadi goobayaan aayahooda sidii ay u heli laahaayeen.
Waxayna balanqaad buuxda ku goosteen in ay la imanayaan si shakhsi ah iyo si ururnimaba waxqabad dhaba oo muuqda.

Halgan Guuleed/ONA/UK

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay