Sida ay wararku sheegayaa kummanaan kun qof oo muddaaharadayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimadda wadanka Yemen ee Sanca iyagoo kuwaasoo ka cabanayay duqaymaha ay gaystaan xulafada uu Sucuudiga hormuudka u yahay ee gacan saarka la leh xukuumata taagta daran ee Yemen.

Dadka dibad-baxayey oo taageersan golaha xukunka cusub ee Xuutiyiintu ay dhawaan ku dhawaaqeen ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi intii uu banaanbaxu socday. Jahawareer ayaa banaanbaxaas ka dhashay, kadib markii intii ay dadku mudaaharaadayeen xulafada la diriraysa Xuutiyiinta ay duqeeyeen buur dusha kasoo eegeysa qasriga madaxtooyada, taasoo keentay in dadku ay kala cararaan.

Sucuudiga ayaa wajahaya cambaarayn xooggan oo uga immaanaysa kooxaha Xuquuqul insaanka oo ku aadan dhibaatada dadka rayidka ah ka soo gaarto duqaymaha. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 6,500 oo qof ay ku dhinteen duqaymahaasi tan iyo markii ay billawdeen sanadkii la soo dhaafay.

 

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay