Masuul kamid ahaan jiray kooxaha Islamiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Mali ayaa qirtay inuu isagu lahaa amarada lagu burburiyay ilaa iyo 9 Qabri iyo Masjid ku yaala magaalada taatiikhiga ah ee Timbuktu.

Masuulkan oo lagu magacaabo Ahmad Al-Faqi Al-Mahdi ayaa ka sheegay dhageysiga dacwad oo looheystay taasoo lagu qabtay Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee Heague in faah faahinta uu bixiyay xeer ilaaliyihii isaga dacwadda ku oogayay, oo ay ku jireen wixii sababay weeraraddii lagu burburiyay xarummo taariikhi ah,ay aheyd mid saxsan.

Waxa uu arrintan ka muujiyay Ahmad Al-Faqi Al-Mahdi qoomamo, isagoo ka codsaday dadka reer Mali inay cafiyaan.  Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Al Mahdi uu xubin ka ahaa ururka Ansar Dine ee qeybta ka ahaa kooxihii qabsaday magaalada Timbuktu, iyo inta badan Waqooyiga wadanka Mali sanadkii 2012-kii.

Kooxihii qabsaday dhulkaa waxey burburiyeen 14 kamid ah 16-ka dhismo Qabuuro ee ku yaala magaalada Timbuktu, iyagoo ku sheegay inay astaan u ahaayeen Shirki. Dhismooyinkaas ayaa waxaa dib u dhisay Qaramada Midoobay ka dib markii howl-gal milatari oo uu Faransiisku hogaaminayay waqooyiga Mali looga saaray sanadkii 2013kii.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay