Dhulgariir xooggan ayaa ruxay bartamaha dalka Talyaaniga, kaasi oo sababay khasaare xooggan islamarkaana dilay ugu yaraan 120 qof sida ay sheegayaan warar hor dhac oo saxaafadu heshay.

Warkan ayaa sheegaya in Dhulgariirkan cabirkiisa lagu sheegay 6.2 wuxuuna ku dhuftay dhul dhan 10 km, oo dhinaca koonfurta bari ka xiga magaalada Norcia. Dhulgariirkan ayaa waxaa sidoo kale laga dareemay qeybo badan oo kamid ah gobolka, oo 150 km u jira magaalada Rome.

Sida ay saxaafada taliyaanigu sheegayaan Dhulgariirkan ayaa waxa uu dhacay 3:30 subaxnimo, waxaana xigay dhowr ruxitaan oo kooban. Meelaha uu sida xooggan u saameeyey ayaa ah labada magaalo ee Amatrice iyo Accumoli.

Shaqaalaha gargaarka ayaa saaka ku baxay halka uu dhulgariirku ku dhuftay, ayagoo isku dayaya inay badbaadiyaan dadka ku hoos jiray dhismayaasha soo dumay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay