Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee wadanka UK waxay qabanaysaa xaflad heer sare ah oo lagu maamuusayo sanad guuradii 32-aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Hadaba Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee cariga Ingiriisku waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacab waynaha soomaliyeed ee kunool UK  in ay kasoo qayb galaan xafladan oo kadhici doonta caasimada Wadanka UK ee London.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galaya masuuliyiin ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, madax somaliyeed iyo Hay’ado caalami ah, sidoo kale waxaa kasoo qayb galaya dhamaan xubnaha iyo taagerayaasha ONLF.

Hadaba wakhtiga iyo goobta faah faahinta waxaad ka heli kartaan muuqaalkan hoose.

14022190_10153762944466766_767502059697581591_n

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay