Shalay oo Jumce ahayd Taariikhduna ay ku beegnayd 26 Aug 2016 waxaa xerada qoxootiga ee Xagardheere lagu qabtay shirkii bilaha ahaa ee Ururka Culimada Somalida Ogadenia UCSO, kulankan oo ahaa mid ay culimadu ku Khatimiyeen akhrinta Qur’aanka Kariimka ah oo ay culimadu dhameeyeen in badan.

Kulanka ayaa furmay abaare 7:30am xiliga Xagardheere waxaana shirka furay gudoomiyaha Ururka Culimada S.ogadenia halgame Sh Cismaan wuxuuna sheekhu ugu horaynba akhriyay ajandayaashii shirka isagoo carab baabay in ay kulankan ku khatimayaan akhrintii qur’aankii tirada badnaa ee culimadu ay akhriyeen.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Mustafe Sheekh Shaafici oo culimada u akhriyay nuqulo kamid ah xeer hoosaadka culimada S.ogadenia kaas oo culimadu ay baraan xubnaha culimada katirsan.

Intaas kadib waxaa talooyin muhiim ah madasha kasoo jeediyay qaar kamid ah culimadii kulanka soo xaadirtay waxayna xubnaha culimadu ku nuux nuuxsadeen in fadhiga laga kaco oo laysu diyaariyo burburka Wayaanaha.

A/raxman Baclay
ONA
xagardheere.

 

IMG-20160826-WA0046  IMG-20160826-WA0047  IMG-20160826-WA0048  IMG-20160826-WA0049  IMG-20160826-WA0050  IMG-20160826-WA0051  IMG-20160826-WA0052  IMG-20160826-WA0053

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay