Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac xoog leh ka muujisay hanjabaadyo dadka qaxootiga ah ay kala kulmayaan sarakiisha amaanka ee dalka Kenya.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaalka amaanka ugu sareeya ee gobalkaasi uu dhawaan booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga kuna amray qaxootiga inay ka baxaan xerada ka hor inta aan bisha November ee sanadkan 2016 ee soo socota albaabada la isugu dhufan xerada qaxootiga ee dhadhaab.

Hay’ada UNHCR ayaa ku tilmaantay hadallada noocaasi ah ee saraakiisha Kenya kasoo yeedhaya kuwo xad gudub ku ah xaquuqda xaqootiga, jabinayana heshiiskii sadax geesoodka ahaa ee dowladda Somalia, Kenya iyo UNHCR. Xaalada xaqootiga xeryaha Kenya kusugan ayaan lasaadaalin karin waxa ay ku dambayn doonto.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay