Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Sucuudi-Arabia Faraca magaalada Damaam ayaa waxay qabsadeeen shirkoodii todobaadlaha ahaa waxaana isugu yimid dhamaan xubnaha iyo taagerayaasha JWXO.

Shirkan ayaa lagu furfuray aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana soo jeediyay Fadiilatu sheekh Saxane Xassan Muxumed. Sheekh ayaa xubnaha kula dar daarmay in samir badan lala yimaaado lana xoojiyo halganka iyo jihaadka ka socda gudaha wadanka Ogadeniya.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Faraca Damaam Mudane Ibraahim Badal Cali ayaa ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlayay xaalada Gumaysiga Itoobiya maanta ku suganyahay ee gacan ku gabad ka ah, wuxuuna sheegay in maanta loo baahan yahay in gumaysiga yur la iska dhaho lana xoojiyo halganka gobonimo doonka ah ee ay ku jiraan shacabka Somalida Ogadeniya.

Waxaa kaloo asaguna shirka ka hadlay Hogaanka Warfaafinta ee Faraca Damaam Mudane Maslax oo soo jeediyay warbixin muhiima oo ku saabsan wax qabadkii jaaliyada sidoo kale, wuxuu ka hadlay  muhiimada maanta ay leedahay in lahelo dhalinyaro fir fircoon oo ka shaqaysa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada warbaahinta Somalida Ogadeniya iyo sidii looga hor tagi lahaa brobagaandaha iyo beenta uu Gumaysiga Itoobiya soo safrinayo.

Gabagabadii xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo halganka gobonimodoon ka ah ee ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya hormuud ka u tahay.

 

ONA/Damaam

 

IMG-20160827-WA0000  IMG-20160827-WA0002  IMG-20160827-WA0003  IMG-20160827-WA0004  IMG-20160827-WA0005  IMG-20160827-WA0009  IMG-20160827-WA0010 IMG-20160827-WA0014

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay