Waxaa maalmihii la soo dhaafay hadheeyay shabakadaha Somalida gaar ahaan kuwa ka soo baxa SL, qab-qabashadii iyo xabsigii uu gumaysiga Itobiya u taxaabay koox hubaysan oo ka soo duulay Waqooyiga Somaliya, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ahaa. Arintaa si kastoo loo dhigo, ujeedada dhabta ahee uu gumaysiga ka lahaa waa inuu shacabka iska horkeeno oo kolba mid uu madaxa u salaaxo.

Waxaa jirtay qiso dhex martay Shaydaan iyo saxaabigii caanka ah ee Abuu-Horeyra RC. Abu-Hureyra RC ayaa dhowr habeen qabtay Shaydaan ka xaday raashin uu meel dhigay. Marwalba wuxuu ka baryi jiray inuu iska daayo. Ugu dambayntii wuxuu isku furtay inuu yidhaahdo waxaan ku barayaa Aayad quraanka ku jirta oo hadaad akhrisato habeenkaa aadan arkaynin wax ku dhiba. Rasuulka CS ayaa markuu u sheegay qisadii dhex martay ku yidhi Abuu-Hureyra; wuxuu ahaa Shaydaan –Runbuu kuu sheegay waase Beenaale-.

Su’aasha milyoonka joogta waxay tahay; Maxaa ku kalifay Itobiya talaabadan ay qaaday?

Qoraalada hadheeyey shabakadahaa markaad akhriso waxaad arkaysaa in qaar iska dhaadhiciyeen inuu Cabdi iley weerarkaa qaaday iyadoon Itobiya raali uga ahayn, kuwaasoo la sheegay inay dacwad u aadeen Adisababa. Qaar kalena waxay ugu dhigeen Cabdi iley billad sharaf sida isagoo Itobiya oon ogayn ka difaacay ciidan weerar ku soo qaaday oo laga soo diray Hargaysa. Kooxdan waxay iyaguna meel walba ku qoreen inuu Cabdi iley yahay nin Ogadenka difaacaya, ujeedaduna waa in lagu iloobo talaabadaa ay leeyihiin wuu qaaday, boqolaalka qof ee sida xaqdarada iyo naxariisdarada ah uu ugu laayay miyiga iyo boqolaalka ugu xareysan xabsiga loo bixiyay Jeel Ogaden, iyo boqolaalka gabdhood ee sharafta lahaa ee waskhda uu soo urursaday uu ku fasaxay.

Waxaa hubaal ah in labadaba ay is-ilowsiinayaan inuu Cabdi iley yahay masuul/wakiil Itobiya u fadhiya Ogadenya. Waxay kaloo ilowsan yihiin in ciidanka Hawaarinta (Liyu Boolis) ee dhibaatada ugu badan ku haya shacabka Ogadenya ay yihiin ciidan ay Itobiya qoratay, hubeysay oo mushahar ka qaata oo amar la’aan aan dhaqaaqi karin.  

Sababta jahawareerka keenay waxay tahay talaabada ay qaaday Itobiya oo labada dhanba aanay ka filaynin. Ciidanka ka yimid Waqooyiga ee duulaanka ka soo qaaday Hargaysa sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa ma’aanay filaynin in maleesiyada ay Itobiya hubaysay ee Hawaarinta (Liyu Boolis) ay qab-qaban doonaan oy hubka ka dhigi doonaan, ka dibna xabsiga u taxaabi doonaan. Dadka deegaanka iyaguna ma’aanay filaynin maleesiyadii layn jirtay ee dambiyada aan wadanka horay uga dhicin mariyay shacabka ayaa idiinkaga hiilin doona ciidamo ka yinid Waqooyi (Somali land) oo saaxib la’ah Itobiya.

Arintan waxay muujinaysaa in gumaysiga Itobiya aqoonsaday inuu fashilmay qorshiisii ku dhisnaa xasuuqa iyo barakicinta shacabka Ogadenya taasoo ka mid ah dhaqanada gumaysiga, gaar ahaan kuwa isku qanciya inay dalka iyagu leeyihiin oo aanay ahayn gumaysi dalka iyo shacabka xoog ku haysta, oo marka dadkii dalka lahaa ay diidaan joogitaan-kiisa ka dhiga soo galooti ama shufto dastuurka iyo xukunka dalka ka soo horjeedsaday.

Hadaan dib u yarehe jaleecno taariikhda lagu dhigo Itobiya waxay ahayd in Geeska Afrika aanay ka jirin waxaan ahayn Itobiya, oo Itobiya xukuntay inta u dhexeysa badda cas iyo badweyntaIndia. In gumaysigii reer galbeedka ee yimid Afrika 1884kii uu ka boobay Itobiya dhulkaa oy dhoo-dhoobeen dawlad ku sheeg la yidhaahdo Somaliya. Waxaa laga dhaadhicin jiray shacabka Itobiya in Bariga Itobiya oo ah Ogadenya ay reer guuraa Somali ah u soo daaqsin tagaan, oo ciidanka Itobiya aanay dib uga celinin iyagoo ilaalinaya Afrikaan-nimada.

Sidaa darteed halganka shacabka Ogadenya waxay ugu sawirayeen shacabkooda inuu yahay duulaan laga soo qaaday Somaliya oo la doonayo in qayb ka mid ah dalka Itobiya laga gooyo oo la siiyo reer guuraagii daaqsinta u yimid.

Wayaanaha iyagoo taariikhdaa cabsan ayay dalka yimaadeen. Markii baarlamaanka gobolka isku raacay in afti laga qaado shacabkeena sidii lagu heshiiyay cahdigii Kala-guurka (Transitional Charter) way u cuntami weyday. Waxayna ku soo qaadeen dagaal badheedh ah shacabka iyagoo laayay xubnhii ururka, waxayna filayeen inay ONLF kaga sifaynayaan dalka oy u carari doonaan Somaliya sida ururkii Itixaadka ee 6ex bilood guduhood uga baxay dalka.

Dagaalkii ay ku bilaabeen jabhadda ONLF 1994kii, inay soo afjaraan waxay ku qasabtay inay dib u darsaan taariikhda. Waxaadna moodaa hadda inay daba socdaan siyaabihii uu Ingriiska u maamuli jiray shacabka Somaliyeed ee kala daga British SomaliLandiyo Ogadenya. Waxaan xusuusanaa in Ingriiska uu hubeeyey qabiilada daga Waqooyiga markii la jabiyay Daraawiish ka dibna ay ku soo duuleen Ogadenya. Ujeedada waxay ahayd in qabiilada Ogadenya daga ay u cararaan dhanka Itobiya oy hub iyo taageeraba u doontaan.   

Arimaha ka dhacay maalmahan xadka u dhexeeya Waqooyiga Somaliya iyo Ogadenya waxay ka mid tahay khiyaanada gumaysiga, markuu ku guul-daraeystay inuu ku hakiyo halganka shacabka Ogadenya dilka iyo falalka argagixinta ah ee shacabka aan waxba galabsan uu ku hayo. Nasaaibdaradase waxay tahay wax-magaradka aana weli ogayn inay Itobiya tahay midka wax dilay ee hadana qaadiga ka noqday (The executioner and the Judge).

Gumaysiga Itobiya ujeedada ay ka leedahay talaabadan waa mid qofkii caqli leh uu garan karo, mana ah wax halganka shacabka Ogadenya lagu jaha-wareerin karo.

 Camaje/Jigijiga

F.G. Maqaalada waa aragtida qoraha kamana tarjumayaan aragtida ururka.           

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay