Shalay oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 26/8/16 waxaa magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sucuudiga lagu qabtay kulan sifiican loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Faraca Riyaad ee Jaaliyada Sucuudiga.

Kulankan oo ah mid qabsooma maalin kasta oo Jumce ah ayaa lagu furay aayado qur’aanka kariimka ah kamid ah iyo wacdiini ah oo uu soo jeediyay Fadiiladul Sheekh Xassan Nuur. Sidoo kale kulanka ayaa lagu kala war qaatay waxaana war bixin dal iyo dibad ah madasha kasoo jeediyay gudiga Faraca Riyaad.

Intaas kadib waxaa laguda galay ajandihii shirka oo ahaa in lagu doorto gudi cusub oo mudada sanadka ah ee soo socota xilka hayn doona hadii Alle Idmo waxaana goobta lagu doortay gudi 7 ah xubnood ah oo gudoomiye looga dhigay halgame Sheekh Mustafe Khaliif oo kamid ah kaadirka faraca Riyaad.

Kulanka maanta oo shucuur gooni ah lahaa ayay gudida iyo xubnihii kulanka soo xaadiray kubalameen in ay si nadiif ah uwada shaqayn doonaan una adeegi doonaan shacabka dulman ee S.ogadenia.

ONA/ Riyad.

sa3

sa2

sa1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay