Wararka naga Soo Gaadhaya Magaalada Goday ee Xarunta Gobolka Shabeelle ayaa sheegaya in uu Gubtay suuq wayn oo ku yaala magaalada Goday oo loo yaqaano Taiwanka Goday.

Dabkan ayaa xalay Qabsaday suuqa Magaalada Goday waxaana ka dhashay khasaare aad u badan waxaana halkaas ku bas beelay 36 dukaan oo kamid ah guryihii ganacsiga ee suuqa.

Sida laxaqiijiyay waxaa dabkan ku bur burtay Hanti gaadhaysa 2 Million oo birr oo ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ganacsiga yar yar kulahaa suuqa gubtay.

Suuqan gubtay xalay wuxuu ku yaalaa xaafada 4aad ee magaalada Goday wuxuuna dhisnaa mudo 5 sano ah waxaana dhistay dadka shacabka ah, suuqa ayaa ahaa mid isu dhadhaw oo dukaamadiisu afka isku wada hayaan.

Suuqa ayaa gubanayay ilaa iyo saaka waa barigii laga gaadho mana jiraan wax usoo gurmaday oo maamulka fadhiidka ah ee wayaanuhu ka samaystay magaalada ah, wuxuuna dabku udamay si iskii ah Saaka.

Ma jiraan wax ku dhintay dabkan xalay marka laga reebo dhaawacyo yar yar oo soo gaadhay dad shacab ah oo isku dayay inay Damiyaan Dabkan mooyeen.

Hoos ka daawo sawirada

14112085_277647505951123_999546385_n 14111852_277647512617789_1847946422_n 14111576_277647525951121_1352322620_n 14101805_277647515951122_78209886_n 14112037_277647519284455_623956731_n 14171978_277647502617790_599524896_n

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay