Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigree ayaa sheegaya in uu halkaas kulan xaasaasi ah ugu soo gabagaboobay kooxda talada wadanka Itoobiya xooga kuhaysata ee TPLF, sida xogtu ay tilmaamayso kulankan ayaa socday mudo maalmo ah mana jiro wax natiijo ah oo laga gaadhay kulankan ay yeesheen ururka TPLF.

Ajandaha shirkan hadheeyay mudada maalmaha ah ayaa lasheegay in ay ahayd xaalada murugsan iyo ninka kumagacaaban Raysal Wasaaraha oo lagu sheegay in uu yahay shakhsi asal madoorshe ah oo iskaga magacaaban xilkan wayn ee Raysal-wasaare nimada.

Koox katirsan Ururka TPLF ayaa kudoodaysa in uusan Haile Maryam Disalen ahayn shakhsi mudan in uu xilkaas siihayo kadib markuu wadanka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo waliba burbur soo dedejiyay jiritaankii dalka, kooxdan ayaa ku doodaysa in uusan Haile Maryam lahayn wax hal abuur ah iyo karti uu kusiihayo xilka wadanka ugu sareeya waxayna kudoodayaan in uu yahay shakhsi aan wax xushmad ah shacabka ku dhex lahayn oo isagoo hadlaya ay dadku siiwadaan kacdoon kooda.

Qayb kaloo kamid ah ururka TPLF ayaa iyaguna kudoodaya in faraha laga qaado Raysal-Wasaaraha uuna yahay shakhsi ururka TPLF daacad u ah balse ay dhibaatooyin ka hor yimaadeen, sidoo kale kooxdan taageersan Haile Maryam ayaa kudoodaya in aan hada lajoogin xili qof labadalo ama qof ladoorto isla markaana ladajiyo xaalada.

Kulankan la isku maan dhaafay ee ay isugu tageen koocda TPLF ayaa kusoo dhamaaday is fahan daro waxayna labada garab kala istaageen labo mowqof oo kala fog.

Iskusoo wadaduub oo waxaa sii labanlaabmaya khilaafkii iyo kala jabkii xisbigii EPRDF iyo waliba ururka TPLF oo hada maraya meel xun.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay