Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteen waxaa dab khasaare balaadhan gaystay uu qabsatay suuq kamid ah suuqyada ugu waa wayn magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele.

Sida ay u xaqiijiyeen goob-joogeyaal xidhiidh aan layeelanay oo ku sugan magaalada Godey ayaa sheegaya in dukaamada gubtay oo aad iskugu dhawaa iyo gurmad la’aanta wadanka kajirta ay door balaadhan ka qaateen in khasaaraha intaas gaadhaya dabkan uu galaafto.

Waxaa kaloo ay dadkan ay ONA xidhiidhka lasamaysay noo xaqiijiyeen in haba haraatee aysan jirin wax gurmad ah oo dhinaca maamul ku sheega magaalada uga yimid sidaasna ay hanti badan oo shacabku lahaa ay ku bas-beeshay. Dabkan ayaa socday mudo dheer, shacab badan oo isku dayay inay dabka bakhtiiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaadheen.

Dhinaca kale maamul kusheega magaalada Godey ayaa saacado yar kabacdi warbixin kusaabsan dabkan kasoo saaray. Warbixintan ayaa lagu sheegay in uu dabku ka dhashay qarax koronto, arintan oo u cuntami wayday shacabkii suuqan gubtay meheradaha kulahaa ee khasaaruhu kasoo gaadhay.

Inkastoo ay adagtahay in si fudud loo ogaado sababta keentay dabka baaxadaas leh taasoo baadhitaan tayaysan u baahan hadana hadalkaas kasoo yeedhay Maamul ku sheega magaalada ayaa noqday mid aad xaqiiqda uga fog oo u muuqday mid horay ay kooxda Woyaanuhu ku adeegto ay u sii diyaariyeen.

Waxaan shaki kujirin in qoysas badan oo kamid ah shacabka magaalada Godey oo ku tiirsanaa meheradihii ay suuqan ku lahaayeen ay saamayn wayn ku yeelan doonto khasaaraha kasoo gaadhay dabkan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay