Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Dhuxun ee wadanka Ogadenia ayaa faahfaahin kabixinaya dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray duleedka dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.

Dagaalkan oo ahaa weerar ay naftood hurayaasha xoraynta Ogadenia kuqaadeen ciidanka Wayaanaha oo howlgal shacabka kadhan ujoogay deegaanka Garbo-xadhaadhe oo dagmada Dhuxun katirsan.

Sida warku sheegayo dagaalkan oo dhacay 23/8/16 ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay, sidoo kale waxaa ciidanka JWXO usuura gashay in ay goobta ka eryaan kooxdii uu wayaanuhu soodiray.

ONA
Xarunta Dhexe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay