Wadanka Jarmalka ayaa lagu wadaa in ay qaabilaan qaxooti gaadhaya 300.000 kun oo qof, oo ah qaybtii 2aad sanadkan 2016.

Sanadkii hore 2015 ayaa Jarmalku qaabiley qaxooti gaadhaya 1.1 milyan oo qof, sidaas waxaa sheegay madaxa hay’adda BAMF ee Jarmalka u qaabilsan arrimaha qaxootiga Mr. Frank-Juergen Weise. Qaxootiga badan ee imaanaya ayaa culeys sii saari doona xukuumadda Jarmalka iyo Xisbiga talada haya.

Madaxa BAMF Mr Weise ayaa sheegay in qaxootigu aad uga badan yahay sidii ay malaynayeen markii hore. Sida laga soo xiganayo xukuumaddsa Jarmalka qiyaastii 16,000 kun oo qof ayaa bilkasta lagu qaabilaa dalka Jarmalka, marka loo barbardhigo sanadkii 2015 oo la qaabili jirey bilkasta 200,000 oo qof.

Doorashooyinka soo socda ee dalka Jarmalka ayaa waxaa hadheeyey arrimaha Qaxootiga, waxaana in badan oo kamid ah dadka Jarmalku doonayaan in Angela Markel aysan markii afaraad guleysan doorashada.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay