Wararka haatan naga soo gaadhaya Gobolka xabashida ayaa waxay sheegayaan in mudaharaadyo xoog badan ay ka socdaan Gobolka Axmaarada. Mudaharaadadan ayaa waxaa lagaga soo horjeedaa Gumaysiga Itoobiya.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay isticmaalayaan awood si ay u joojiyaan mudaharaadada, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in lagu laayay dad shacab ah waxaana ladilay 4 qof oo rayad ah halka 18 kalana la dhaawacay.

Sidoo kale mudaharaadka ayaa gaadhay Qawmiyada dadka loo yaqaano Agawi ee ku dhex nool Axmaarada si khasab ahna maamulkaas loo hoos geeyay caasimada dadka Agaw Ginjibat ayaa rabshado xoog badan ka jiraan dadkan ayaa ah dad caan ku ah xeladaha dagaalka, waxaana gumaysiga kaga furmay dabkale goobtaas.

Waxaa loo daabulay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo larabo in lagu xakameeyo mudaharaadada socda. Mudaharaadyadan ayaa waxaa lagu gubay sawirada Kaligii Taliye Meles Zenawi iyo calanka Faderal ku sheega Itoobiya.

Guud ahaan xaalada Gobolka Axmaarada ayaa kasii daraysa marba marka ka danbaysa waxaana sii badan haya xasuuqa dilka iyo xadhiga lagu hayo dad shacabka ah xaalada Itoobiya ayaa u muuqata mid gabalkeedu sii dhacayo oo aan la saadaalin karin waxa mustaqbalkeeda soo waji kara.

Wararkan wixii kasoo kordha kala soco ONA.

14182176_1085937528162892_2080604952_n

14159743_1085937541496224_88685489_n

FB_IMG_1472463812418

14182176_1085937528162892_2080604952_n14182176_1085937528162892_2080604952_n

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay