Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ciidamadii amaanku garwaaqsadeen meesha uu wax usocdo iyo rabitaanka shacabka oo ah mid aan laloodin karin loona baahan yahay in dhinac looga leexdo.

Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ee ONA ayaa sheegaysa in ay 30 kamid ah ciidanka Booliiska ee lagu magacaabo Faderal Police ay hubkoodii ku wareejiyeen shacabka Axmaarada ah ee kacdoonka wada, Xogtan ayaa intaas kudartay in ay nimankan ciidanka Booliiska katirsanaa shacabka ka codsadeen in ay siiyaan woxoogaa sahay ah isla markaana ay lawareegaan hubkooda.

Shacabka xabashida ah ee kacdoonka wada ayaa ogolaaday in ay ciidanka siiyaan woxoogaa sahay ah oo ay kutagaan dhulkii ay u dhasheen maadaama oo ciidankan laga keenay Gobolo kale oo aan dhulka Axmaarada ahayn.

Ciidankan Faderal Police ka looyaqaano oo gobolo kala duwan kayimid ayaa halkaas loogeeyay in ay wax kaqabtaan kacdoonada lagaga soo horjeedo kooxda TPLF balse ciidanka ayaa gartay in ay shacabku siiyaan amaan ay kutagi karaan dhulkoodii inta aysan wadooyinku xidhmin.

Dhinaca kale 7 kamid ah ciidanka wayaanaha ayaa isu dhiibay Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj oo kadagaalanta dhulka Axmaarada waxayna ula galeen hubkoodii, nimankan isu dhiibay jabhada ayaa sheegay in ay difaaci doonaan shacabkooda lagu gumaadayo dhulkoodii waasida ay hadalka udhigeen e.

Sikastaba ha ahaatee waxaa siixoogaysanaya kala yaacii ciidamada iyo siyaasiyiinta uu ku xamaalan jiray taliska TPLF ee fadhilka taagan hada.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay