Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dalka Gabon ayaa wada sheegtay inay ku guuleysteen doorashada, isla markaana ka dhawaajiyey in uu jiro musuq maasuq.

Madaxweynaha xilka haya Ali Bongo ayaa sheegtay inuu xilka ku guuleystay, balse waxaa isaguna guul sheegtay Hogaamiyaha Mucaaridka Jean Ping oo horey usoo noqday Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Qoyska reer Bongo ayaa kasoo talinayey dalka Gabon tan iyo sanadkii 1967 xiligaasi oo Madaxweyne loo doortay Cumar Bongo oo ah Aabaha dhalay Madaxweynaha hada xilka haya ee Ali Bongo.

Dhinaca kale waxaa tartanka doorashada sanadkan kusoo biiray Jean Ping oo horey usoo noqday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika sanadkii 2008 illaa 2012, isla markaana horey xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore ee dalkaasi Gabon.

Murashaxiintan ayaa hada mid waliba sheeganayaa inuu guul gaaray iyadoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah. Dalka Gabon oo xoriyada ka qaatay Gumeystihii Faransiiska ayaa ah dal yar oo ku yaal Galbeedka Afrika balse qani ku ah dhinaca Batroolka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay