War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay Gobolka Tigree ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in goordhaw toogasho lagu dilay sargaal sare ee katirsanaa ciidanka Sirdoonka ee wayaanaha.

Sida warkan aan kuhelay magaalada Adhigrat oo dhacda bariga Gobolka Tigree ayaa toogasho lagu dilay taliyihii ciidanka nabadsugida ee Dagmada Adhigrat waxaana taliyaha Toogtay dablay aan haybtooda lagaranaynin oo ku hubaystaan bastoolado.

Sargaalka ladilay oo ahaa nin mudodheer katirsanaa ciidanka nabadsugida ee Gobolka Tigreega ayaa lagu magacaabi jiray Asbaha Woldhe Gabarael, taliyaha la toogtay ayaa ahaa nin ay bulshadu aad unecebtahay oo dadka dhuunta ugalay waxaana dilkiisa lagu tuhunsan yahay Jabhada kadagaalanta Gobolka Tigree.

Dabayaaqadii todobaadkii tagay ayaa isla magaalada Adhigrat lagu dilay nin katirsanaa ciidanka wayaanaha oo lagu magacaabi jiray Dhasta Gobit, Dilalka qorshaysan ee lala beegsanayo ciidamada amaanka ee gumaysiga ayaa noqday kuwo soo noq noqda waxaana arintaas darteed shaqooyin koodii uga tagay saraakiil katirsanaa ciidamada Gumaysiga.

Dilka sargaalkan maanta lagu dilay magaalada Adhigarat ayay shacabku si xoogan usoo dhaweeyeen waxayna shacabku sheegeen in laga soo qabtay shakhsi shacabka dhibi jiray mudo dheer.

Ciidamada gumaysiga ee magaalada Adhigaret oo aan shacabka wax caawimaad ah ka helin ayaa dilka sargaalka kadib xabsiga utaxaabay dad shacab ah oo aagaas kadhawaa waxayna ciidamadu ku andacoodeen in ay shacabku qarinayaan dadka falalka noocan ah kagaysta magaalada.

Wixii kasoo kordha arimahan Isha kuhay Ogadennet.com.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay