War  hada naga soo gaadhay Dagmada Awaare  ee Gobalka Jarar  gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Lisamaley  ayaa sheegaya  in Saacado ka hor Dagaal halkaasi ku dhexmaray Cutub ka tirsan Ciidamada Wadaniga Xoreynta Ogadenia iyo kuwa Gumeysiga Ethiopia.

Dagaalkaasi oo ahaa   weerar uu   Cutubka kamid ah ciidanka Xoreynta Ogadenia ku qaaday Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee halkaasi ku sugnaa ayaa waxaa Askarta  Daalan ee Gabalkoodii dhacay  ee Wayaanaha u Adeegta  halkaasi lagaga dilay  7 Askari  halka  8 kalana lagaga  dhaawacay.

Dagaalkan ayaa  waxaa uu qayb kayahay  kuwa sida Joogtada ah uga socda  wadanka Ogadenia ee lagu wiiqayo Askarta Gumeysiga Ethiopia iyo maleeshiyaadka Hawaarinta ee isu baheystay Dhibaateynta Shacabka Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay