Labada Sudan ayaa dib u bulaabi doona wada hadaladii ku saabsanaa xadaynta xuduuda labada dal Bisha soo socota ee September.

Kulamadii kusaabsanaa xudaynta xuduuda labada wadan ee ay isugu imaan lahaayeen masuuliyiin kala matalayey Sudan iyo South Sudan kuwaasi oo la filayey inay dhacaan bishii June ayaa dib udhac ku yimid lagu sheegay xaalada ammaan ee dalka South Sudan.

ssudan1

“Xubno kamid ah gudiyada ammaanka labada dal ee South Sudan iyo Sudan ayaa kulankooda ka dhici doono caasimada Sudan ee Khartum bisha September kaga wada hadli doona xadaynta xuduuda labada dal,” Sidaasi waxaa yidhi Safiirka South Sudan u fadhiya Khartuum.

Safiirka South Sudan ayaa sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen jadwalka ku xusan si ay u bilaabaan fulinta sagaal heshiisyo iskaashi wadajir ah oo u dhexeeya labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in guddiyo wadaag ah ay ku qaban doonaan shirar caasimadda South Sudan ee, Juba, si ay u ogaadaan wadahadallada guddiga iyo hirgelinta ballanqaadyada loo xilsaaray.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay