Ciidamada Booliska Dalka Tanzania ayaa Xabsiga dhigay oo su’aallo weydiiyey  kudhawaad 5 siyaasi oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Tanzania ee CHADEMA, ka hor inta aanay damaanad kusii deyn.

Mudane Edward Lowassa oo doorashadii lasoo dhaafay ee dalkaasi ka dhacday si weyn ula tartamay madaxweynaha xilka haya John Magufuli, ayaa ka mid ahaa shanta siyaasi ee la xidhay su’aalaha baadhitaan ka ahna ay waydiiyeen ciidamada Police ku.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xidhay siyaasiyiinta mucaaradka ah, balse xilliga la qabanayay ayaa waxa ay ka shirayeen sida lasheegay dibadbaxyo ay dalka Tanzania ka dhigi rabaan Khamiista soo socota ee Todobaadkan.

Dowladda Tanzania ayaa mamnuucday dhammaan isu soo baxyada siyaasadeed ee dalkaasi iyadoo albaabada isugu dhufatay laba kamid ah idaacadaha sida gaar ah loo leeyahay ee dalkaasi.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay